Sunday, July 13, 2025

AKHRISO: Magacyada dhalinyarro ku eedeysnaa Kufsi-wadareed ka dhacay Gaalkacyo oo toogasho lagu xukumay

Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku riday 5 dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa kiis kufsi wadareed ah oo 22-ki bishii February 2019 ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sida uu shaaciyey Xeer ilaaliye ku xigeeka guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax waxa shanta eedeysane lagu xukunay dil toogasho ah, iyadoo loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33-aad, xeerka kusiga iyo xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed, kadib markii ay qirteen afar ka mida eedeysane oo laga qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga qabtay Gaalkacyo, waxaana dacwadooda lagu qaaday Garowe.

Kadib xukunka lagu riday waxay Maxkamadda amartay Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Garowe in eedeysanyaashan xabsiga kusii hayo inta xukunkooda oo faahfaahsanka soo baxayo.

Magacyada dhalinyarada la xakumay waxay kala yihiin:

  1. Cabdirisaaq Axmed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir
  2. Cabdirisaaq Cali Cabdi, da’diisu tahay 18 jir
  3. Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir
  4. Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir
  5. Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir.

HOOS KA AKHRISO XUKUNKA MAXKAMADDA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON