Monday, June 23, 2025

AKHRISO: Magacyada Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa ololahooda ka bilaabay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in musharixiinta xilka madaxweymnaha Hirshabeelle ay sare u dhaafeen lix musharax oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, taasoo xaq u leh xilka madaxweynaha Hirshabeelle.

Musharixiinta ayaa buuxiyay shuruudaha ay u dhigeen guddiga doorashada madaxweynaha ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ay ka mid ahaayeen bixinta lacag dhan $10,000 [Toban kun oo doollar], taariikh nololeedka musharraxa, caddeymaha waxbarashada iyo khibradiisa.

Musharixiinta buuxiyay shuruudaha waxaa ka mida:

1- Cabdi Faarax Sharaawe (Laqanyo) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

2- Maxamed Cabdi Waare – Musharax xilka madaxweyne kula tartamay Cali C/llaahi Cosoble.

3- Cabdikariin Cali Nuur – xildhibaan iyo wasiir ka tirsan Hirshabelle

4- Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabageed) guddoomiyihii hore ee  Gobolka Hiiraan iyo wasiir ka tirsan Hirshabelle

5- Cabdinaasir Shirwac Maxamed  –  Ganacsade

6- Maxamed Caruush Diirow  – Agaasimihii wasaarada arrimaha gudaha Hirshabelle.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON