Wednesday, July 16, 2025

AKHRISO MAGACYADA: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo magacaabay 4 Wasiir oo cusub & Wasiiru dowle

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaacabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya xukuumadiisa, intii aanu maanta ka dhoofin Muqdisho.

Wareegtada magacaabidda wasiirada cusub waxaa telefishanka Qaranka ka akhriyay wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle, waxaana ka mida xubno xildhibanno ah oo ay ka mid yihiin C/llaahi Good Barre iyo Xuseen Badni oo ku soo biiray xukuumadda Kheyre.

HOOS KA AKHRISO LIISKA WASIIRADA

1- C/llaahi Goodax Barre waxaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, xilkaas oo dhowaan laga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

2- Wasiirka Xanaanada Xoolaha waxaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, waxaana xikaasi  hore u hayay wasiir hadda loo wareejiyay Arrimaha diinta.

3- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxaa oo magacaabay Sheekh Nuur Cali Xasan oo hore u aha wasiirka Xannaanada xoolaha.

4- Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Baqdaadi, waxaana xilkii laga qaaday Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

5- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

6- Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha  waxaa loo magacaabay Shawaqar Ibrahim Cabdalla.

HOOS KA DAAWO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON