Tuesday, July 15, 2025

AKHRISO: Magacyada Saddexda Gacanyare ee Madaxweyne Farmaajo ku wehliya safarkiisa Sacuudiga

Socdaalkii ugu horeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo shaac bixiyay gacan-yareysaah rasmiga ah ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ee rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga, waxaana goor dhoweyd ay kulan la qaateen Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis oo si weyn u daneynaya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka dhex muuqday saddex gacan-yare oo madaxweynaha ku wehliya safarkiisa, marka laga reebo Wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Hadliye Cumar oo ka mid ahaa wafdiga.

Saddexda gacan-yare waxay kala yihiin;

1- Fahad Yaasiin Daahir

2- Taabit Cabdi Maxamed

3- C/risaaq Axmed

Saxaafadda Sacuudiga ayaa loo sheegay inay yihiin la-taliyeyaasha madaxweynaha, iyadoo magacyadooda ay baahisay wakaalada wararka Sacuudiga.

Ma jirto xil lagu magacaabay si rasmi ah oo madaxweynuhu shaaciyay, waxaana la ogaa oo kaliya inay yihiin saaxiibadiis, halk warar kale sheegayaan inay ka mid noqon doonaan golaja wasiirada cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON