Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska G/Banaadir ayaa loo xiray kiis ku saabsan musuqmaasuq, waxaana kiiskooda lagu wadaa baaritaan sida ay shaacisay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.
Saraakiisha lagu eedeeyay musuqa ee la xiray waxay kala yihiin: Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Soomane Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Wardhiigley, Alifle Cabdi Cumar Isaaq oo ahaa taliyihii Baarista Dembiyada Saldhigaasi iyo Kormeere labaad C/fataax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga degmada Wardhiigley iyadoo loo heysto qaadasho lacag laaluush ah.
Saaakiishan ayaa xabsiga la dhigay 1-dii Bishan Ogost, waxaana kiiskooda gacanta ku haya Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana la hor geeyay 2-dii bishan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidaoo markii ay dhageysatay dacwada amartay in xabsiga lagu sii hayo, isla markaana ay Xeer ilaalinta soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.