Doorashada qaar ka mida xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa maanta mar kale ka dhacday magaalada Muqdisho.
Waxaa maanta la doortay Afar oo labo ka mida ay haween ahaayeen, waxaaana ku soo baxay xubnaha kala ah:
Kursiga Beesha Sacad Muuse/Cabdalla Obokor: ayaa waxaa 38 cod ku guuleysatay Sahra Yuusuf Cige.
Kursiga Beesha Ciise Muuse//Aadan Ciise: waxaa ku soo baxday Faadumo Odawaa Raagge oo heshay 47 cod.
Kursiga Beesha Sacad Muuse/jilibka Makaahiil: waxaa ku guuleystay C/raxmaan Iidaan Yoonis, oo haley 36 cod.
Kursiga Beesha Ciise Muuse/Jilibka Maxamed Ciise: waxaa ku soo baxay Cabdalla Xaaji Cali oo helay 31 cod.
Xildhibaanada Beesha Isaaq ee Dirt Waqooyi ayaa gabagabo ku dhow iyadoo ilaa iyo hadda la doortay 33 Xildhibaan, iyadoo ay harsan yihiin 13 kale.
Goobjooge.com