Waxaa magaalada Garowe ka dhacay maanta Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka oo dib loo amba qaaday, waxaana ku soo baxay xildhibaano dhowr ah.
Xildhibaanada maanta lagu doortay magaalada Garowe iyo beelaha ay ka soo jeedaan waxay kala yihiin:
Kursigii 2aad ee Majeerteen/Cumar Maxamuud waxaa ku guulaystay Saleebaan Maxamuud xaashi oo helay 40 cod.
Kursiga Dhulbahante/Naalaye Axmed, waxaa ku guulaystay C/llaahi Bidhaan Warsame oo helay 32 cod , halka Cabdiraxmaan xirsi faarax (uurbayto) uu helay 18cod, Faarax Cawad Jaamac oo tanaasulay 1 cod.
Kursiga Carab Saalax ee 3aad, waxaa ku guulaystay Maxamed Cabdikaafi Maxamed oo helay 45 cod, waxaa la tartamay Xasan Xaashi Warsame oo isna helay 1 cod iyo 4cod oo xumaatay.
Kursiga Majeerteen/Cumar Maxamuud waxaa ku guulaysatay Xaawo Yuusuf Axmed oo heshay 40 cod, halka Faadumo Cabdi Maxamuud oo la tartantay ay heshay 11 cod, halka Naciimo Maxamuud Maxamed oo tartanka ku jiray aysan waxba helin.
Kursiga Majeerteen/Cismaan Maxamuud, waxaa ku guulaystay Maxamuud Axmed Ciise Maas oo helay 37 cod, musharaxa Kayse Jaqanaf waxaa uu helay 13 cod, halka Maxamed Cabdi Karaaf uu ka helay 1 cod
Kursiga beesha Laylkase/Maxamed Muumin Waxaa ku guulaystay Saadiq Warfaa oo helay 29 cod, halka Faarax C/risaaq Cumar oo la tartamayey iuu helay 22 cod.
Kursiga Dhulbahante/ Yaxye cabdalle, waxaa ku guulaystay Sharmaake Garaad Saleeman oo helay 50 cod, Aadan Cismaan Xaashi oo la tartamayey waxa uu helay 1cod.
Kursiga Beesha carab saalax, waxaa ku guulaysatay Sacdiya Samatar oo heshay 49 cod, halka Faadumo Maxamed Salaad ay heshay 1cod.
Kursiga Laylkase/Maxamed xasan, waxaa ku guulaystay C/rashiid Gaboobe oo helay 27 cod halka Ciise Guraase uu helay 24 cod.
Kursiga beesha Laylkase/Reer Xirsi muumin waxaa ku guuleystay Daahir Maxamed Muuse oo helay 36 cod , halka Maxamed Cabdilaahi Xasan uu helay 15 cod. Cabdi Xoosh oo kursigan musharixiintiisa ku jiray ayaa laga saaray liiska.
Kursigii uu dhowaan ka geeriyooday Daahir Xaaji Geele, ayaa lagu tartamay waxaana ku guulaystay Maxamed Xaaji Geele oo ah nin la dhashay Marxuumka helay 49 cod.
Goobjooge.com