Maxkamada Ciidamada milateriga ee Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday rag loo heytsto Alshabaab iyo Daacish oo falal dilal iyo qaraxyo la sheegay inay ka geysteen degaanada Puntland.
Maxkamadda xukunno isugu jira, Dil iyo Xabsi Daa’in ku riday eedeysanayaasha iyadoo qaar kale la sii daayay, waxaana xukunta oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Boosaaso ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Bari G/sare Cawil Axmed Faarax.
Afar ka mida ragga ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah, kuwaasoo lagu eedeeyay Alshabaabnimo iyo Daacish, waxayna kala yihiin:.
1- Cabdi Cumar Iftiin – Shabaabnimo waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah
2- Jeylaani Xasan Isaaq – Shabaabnimo waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah
3- Xasan Aadan Laamow – Daacish waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah
4- Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) – Daacish waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah
Maxkamada Ciidamada Puntland waxay Xabsi daa’im ku xukuntay Bishaar Cismaan Seed Faarax, waxaana dib loo dhigay Maxkamdeynta Lix eedeysane oo kale; waxaa kaloo la fasaxay saddex eedeysane oo dambi lagu waayey.