Monday, June 23, 2025

AKHRISO: Mas’uuliyiinta Sare ee Xilka looga qaaday Kiiska dilka Jamal Kashoqgi & Qorshaha Sacuudiga

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis uu xilkii ka qaaday ayaa xilalkii ka qaaday laba mas’uul oo sare kuwaasoo la filayo inay loo heysto mas’uuliyadda kiiska naxdinta leh ee dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.

Boqorka ayaa xilalkii ka qaaday ku-xigeenka agaasimaha guud ee Sirdoonka Sacuudiga, ahaana la-taliyaha sare ee Dhaxal-sugaha dalkaasi Axmed Al-casiiri iyo La-taliyaha sare dhaxal sugaha, oo darajo wasiir ka hayey boqortooyada Sacuudiga Sucud Al-qaxdaani, kasoo ku caan baxay isku-xiraha kooxda ciidamada elektorniga Sacuudiga ee baraha bulshada ku weerarta dadka horjeeda Boqortooyada.

Arrintan ayaa hore loo saadaaliyay sida ay shaacisay saxaafadda Mareykanka, waxaana ujeedkeedu yahay in dhaxal sugaya uu dhalay boqorka xilka haya ee Maxamed Bin Salmaan culeyska looga qaado, kaasoo la rumeysan yahay inuu isagu bixiyey amarka dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.

AKHRISO: Sacuudiga oo diyaarinaya Mas’uul uu dusha u saaro Dilkii Jamal Kashoqgi [Akhriso waa kuma..?]

Waxaa kaloo xilalkii laga eryay saraakiil dhowr ah oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga, kuwaasoo qeyb ka ahaa kooxda ka qeyb qaadatay dilka Saxafiga ee tagtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana ka mida 3 sarkaal oo sare.

Dhinaca kale wakaalada wararka Sacuudiga ayaa shaacisay in baaritaan hordhac ah uu muujiyey inuu muwaadinka Jamal Kashoqgi ku dhintay Xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul kadib dood dhex martay isaga shaqsi u tegay safaaradda inuu kala hadlo sidii uu dib ugu laaban lahaa Sacuudiga.

AKHRISO: Sacuudiga oo qirtay Dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi [Mas’uuliyiin xilalka laga qaaday & 18 qof oo la xiray..]

18 Sacuudiyaan ah ayaa loo qabtay dilka Saxafiga, iyadoo baaritaan lagu hayo. Waxaa kaloo xilalka laga qaaday saraakiil dhowr ah oo ka tirsan Sirdoonka, kuwasoo qeyb ka ahaa kooxda dilka saxafiga ka qeyb qaadatay.

Dhinaca kale Boqorka Sacuudiga ayaa soo saara amar kale oo dib u habeyn lagu sameynayo hay’adda sirdoonka Sacuudiga, iyadoo loo xil saaray guddi wasiiro oo uu madax ka yahay dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan.

Saxafiga Jamal Kashoqgi xilligii ugu dambeeyay ee uu sii galayey Qunsulka Sacuudiga ee Istanbul 2 Oktoobar
Ahmed Alcasiiri- Agaasime ku xigeenka Sirdoonka & la-taliyaha Dhaxalsugaha Sacuudiga oo dusha loo saarayo kiiska

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON