Waxa sii kordhaya mushrixiinta isu diiwaan gelinaya tartanka madaxweynaha Soomaaliya iyadoo maalintii labaad gelinkeeda hore ay shahaadooyinkooda qaateen musharixiin cusub.
Diiwaangelinta musharixiinta oo ka socota Xarunta Vila Hargeysa ee Guddoonka Baarlamaanka ayaa musharaxiinta ugu dambeysay ee la diiwaangeliyo waxay kala yihiin:
1- Bashiir Raage Shiiraar
2- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
3 – Maxamed Cali Ameeriko
4-Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle.
Waxaa kaloo la filayaa in galabta la diiwaan geliyo musharixiin cusub oo xilka u taagan, iyadoo ay Khamiisitii hore is diiwaangeliyeen musharixiinta kala ah:
Sheekh Shariif Sheekh Axmed
C/qaadir Cosoble Cali
C/rashiid Cali Sharma’arke
iyo Maxamuud Maxamed Culusow.
Jimcihii aya sidoo kale waxaa is diiwaan geliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wakiil ka socday uu Shahaadada musharaxnimada u qaaday.
Tartanka madaxweynaha Soomaaliya oo hore loo filayay inay 40 musharax isu soo taagaan ayaa hadda u muuqda inuu ku soo koobmi doono labaatameeyo. Maalinta beri ee 29 Janaayo ayaa ah maalinta ugu danbeysa ee diiwaangelinta musharixiinta madaxweynaha.
Goobjooge.com