Gobolka Banaadir ayaa qeyb muhiim ah laga siiyay qorsaha sugidda amaanka Muqdisho kadib dib u sixid lagu sameeyay Go’aanadii Golaha wasiirada ee Khamiistii.
Gobolka Banadir ayaa 4 qodob loogu kordhiyay go’aanadii Golaha Wasiirada, kuwaasoo caddeynaya doorka Gobolka banaadir oo u muuqda in markii hore aan qorshaha lagu darsan, basle dib looga biiriyay qorshaha ammaanka caasimadda.
HOOS KA AKHRISO AFARTA QODOB EE QODOB
1. Maamulka Gobolka Benadir ayaa door hormuud ka qaadanaya iskudubaridka ciidanka howlgalka caasimada.
2. Golahu waxey soo dhoweeyeen go’aanka Gobolka Benadir ee ah in Gawaarida laga mamnuuco inay dhigtaan wadada Makka Mukaramma, uguna baaqaan gaadiidleyda inay maamulka Gobolka kala shaqeeyaan arrinkan si amniga aan u wada ilaashano.
3. Golaha Wasiirada waxey soo dhoweeyeen kuna ammaaneen Maamulka Gobolka dhisida Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir waxaana la faray hay’adaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan. Golahu waxey isla garteen in Golaha Amniga Golbaka Benadir ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka caasimada.
4. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.
GOOBJOOGE.COM