Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Mugdisho uu ka furmo shirka madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Shirkan oo ay horay u iclaamisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa daba jooga shir ay dhawaan maamul goboleedyada Soomaaliya ku yesheen magaalada Kismayo, halkaa oo ay kaga dhawaqeen madal ay ku mideysanyihiin maamul goboleedyada Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa uu noqoqnaya kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka tan iyo intii uu soo shaax baxay khilaafka u dhaxeeya labad dhinac.
Qoddobadda ugu adag ee shirkan oo ah kan ugu xasaasisan ee labada dhinac dhex mara ayaa waxaa ka mida:
1- Xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada
2- Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
3- Qeybsiga dhaqaale dowladda federaalka heshay
3- Dib u dhiska ciidammada Soomaaliya
4- Dib u eegista dastuurka KMG ah
Arrinta arrimaha dibadda ayaa ahayd halka uu ka bilowday khilaafka soo kala dhexgalay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe kadib markii qaar kamid ah maamulada Soomaaliya ay kasoo horjeysteen go’aanka dhexdhexaadnimada ee ay dowladda dhexe ka qaadatay xasaradaha ka aloosan bariga dhexe.
Qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe faragelin ay ku heyso maamulada. Waxaana Shirkan oo aan la ogeyn waxa kasoo bixi kara iyo inta maalmood ee uu qaadan doono lagu wadaa inuu ka qeyb galo ra’iisul wasaarha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hadda safar shaqo ugu maqan wadanka Turkiga.