Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Qodobadda lagu dhisayo Dowladda cusub Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna

Jenenaraal Maxamad Nuur Galaal oo waanwaan ka dhex waday maamulada Galmudug iyo Ahlu suna ayaa shaaciyay qodobo ay isla garteen labada dhinac oo lagu mideynayo labada maamul.

Jeneraalka oo sheegay in labada dhinac uu ka helay balanqaadyo iyo damaanad ayaa warbaahinta u sharxay nooca dowladda cusub ee ay ku midoobayaan Ahlu suna iyo Galmudug iyo qobobadda la isku afgartay in lagu dhiso.

QODOBADDA LAGU HESHIISYAY WAXAA KA MIDA:

1- In maamulka cusub ee isku darka labada maamul uu madaxweyne u yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf -madaxweynaha xilligan ee Galmudug.

2- Xukuuamadda cusub ee mideysan saldhigeedu noqdo kuna shaqeyso magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.

3- In Baarlamankuna dowladda mideysan ku shaqeynayo xaruntiisuna sii ahaaneyso magaalada Cadaado.

4- In Hay’adda Sare ee Garsoorka Galmudug xarunteedu noqoto, loona  wareejiyo magaalada Caabudwaaq.

5- Si heshiiska loo dhaqan geliyo in labada madaxweyne ee Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Axmed Shaakir ay wadajir kormeer ku maraan magaalooyinka Dhuusamareeb illaa Matabaan iyo  magaalada Cadaado.

Is-afgaradkan ayaan faahaahin kale ka bixin qeybta ay Ahlu suna ku yeelan doonto xukuumadda iyo Baarlamaanka, waxaana arrintan ay ku soo beegantay iyadoo xiisad colaaeed ka taagan tahay Gobolka Galgaduud.

Gen. Galaal oo shaaciyay Qorshaha isku-darka Maamulada Galmudug & Ahlu suna [Akhriso]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON