Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Qodobadda looga hadlay kulankii Kheyre & Mursal iyo kuwa la isku mari waayey

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa kulan xalay dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha, kadib muddo toddobaad ah oo khilaaf ka taagnaa mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

Qodobadda kulanka looga hadlay ayaa waxa ka mida ahaa: Doorashada Maamulka K/Galbeed, Xariga Mukhtaar Roobow, Mooshsinka Madaxweynaha iyo kala dirista Guddiga Maaliyadda, waxaana kulanku ka dhacay xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare ee agagaarka Soobe, degmada Hodon, magaalada Muqdisho.

Qodobadda la isku mari waayey ayaa ah: Doorashada Baydhaba iyo Xariga Roobow oo gudoomiye Mursal uu dalbaday in dib loo dhigo Doorashada, lana sii daayo Mukhtaar Roobow, waxaase horumar laga gaaray arrinta Mooshinka iyo Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.

Ma jiro heshiis kama dambeys ah oo la gaaray, waxaana ilo ku dhow guddoomyaha ay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu kulan kale la yeelan doono madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhowr jeer uu heshiisyo ku saabsan Mooshinka uga baxay Guddoomiye Mursal ayaa shaki badan ka qaba isbedel kale oo ku yimaada, waxaase markan loo sameeyay balanqaad weyn si uu xaaladda u qaboojiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON