Tuesday, June 24, 2025

AKHRISO: Qodobadii ugu muhiimsanaa ee Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya ka jeediyey kulanka Golaha Ammaanka

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa caawa khudbad u jeediyey kulan gaara oo ay Golaha Ammaanka Q/Midoobay ka yeesheen Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay xaaladda Soomaaliya horumarka la gaaray iyo caqabadaha jira.

James Swan oo Khudbadiisa [Halkan ka akhriso] ku bilaabay horumarka dowladda Soomaaliya ka gaartay dadaalka loogu jiro deyn cafinta, dib u habeynta ciidamada, isagoo sheegay in ciidamada ay markii ugu horeysay dhulka ay ka qabsadeen Alshabaab heysan karaan, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo xiriirka soo wanaagsanaaday ee Somalia iyo Kenya.

Wakiilka Q/Midobay wuxuu ka digay arrimo dhowr ah oo caqabad ku ah geedi socodka nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna arrimahaas kasoo qaatay.

1- Xiriirka dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul Goboleedyada oo muddo sanad ka badan hakad ku jira, iyadoo ay wadashaqeyntooda muhiim u tahay geedi socodka siyaasaddda.

2- Doorashada soo socota oo gaabis ku socota, iyadoo haddii aanu Baarlamaanka ansixin sharciga Xisbiyada iyo kan doorashada ka hor Disembar 2019 ay keeni karto dib dhac, loona baahan yahay wadatashi dhammaan dhinacyda ay quseyso.

3- Xoriyadda hadalka, shirarka, saxaafadda iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta oo loo baahan yahay inay damaaad qaado dowladda Federaalka.

Kulanka Golaha Ammaanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay oo khudbado ka jeediyey Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira; Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin Shaatah.

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya wuxuu soo jeediyey in dib loo bilaabo wadahadalkii Somalia iyo Somaliland, isagoo soo dhoweeyay wadahadalkii shalay dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaashii hore ee dalka.

HALKAN KA AKHRISO KHUDBADDA WAKIILKA Q/MIDOOBAY JAMES SWAN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON