Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Qoraal u diray wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, iyagoo ugu sharxay mowqifkooda Doorashada uu wado Madaxweyne Farmaajo, kuna soob andhigay afar qodob oo ay doonayaan in wax laga qabto.
Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay inaysan ka soo horjeedin heshiiskii Doorashada ee September Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, balse ay diidan yihiin qaabka khaldan e loo fulinayo iyo tallaabooyinka ay keligeed qaadeyso dowladda Federaalka, iyagoo ugu baaqay in Beesha caalamka inaysan indhaba ka qarsan xaaladda qasan ee dowlada federalka ku hoggaamineyso doorashada dalka.
Waxay Qoraalkooda ku xuseen afar qodob oo ay ka mid yihiin: In nidaamka Doorashada ay qeyb ka noqdaan musharixiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, si uu u noqdo mid loo dhan yahay; in la qaado tallaabo lagu saxayo xaaladda, laguna abuurayo jawi ay ku dhici karto doorasho xor iyo xlaal ah iyo in meel milateriga ka caagan laga dhigo Gobolka Gedo.

Akhriso Qoraalka Midowga Musharaxiinta u diree Beesha Calaamka

