Sunday, June 22, 2025

AKHRISO: Ra’iisal wasaare Kheyre oo Afar Arrimood ka bedelay Xafiiskiisa & Qodob ka hor yimid

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre inkastoo uu yahay Wasiirkii koowaad ee ugu dhalinta yaraa xukuumadihii soo maray dalka wuxuu la soo baxay dardar shaqo iyo tallaabooyin cusub oo aan looga baray kuwii xilka uga horeeyay.

Mudane Kheyre wuxuu xafiiska Ra’iisal wasaaraha ku soo kordhiyay arrimo dhowr ah oo wax ka bedelay qaabkii shaqo ee xafiiskaasi, isla markaasina saameyn weyn ku yeeshay wasaaradaha dowladda.

Arrimaha laga xusi karo isbedelka uu la yimid Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mida:

Ad

1 – Xakameynta xubnaha Golaha wasiirada 

Ra’iisal wasaaraha wuxuu ku guuleystay inuu xakameyo golihiisa wasiirada, kuna qasbo inay ilaaliyaan waqtiga, siiba shirarka golaha wasiirada, taasoo keentay in xubintii kasoo dib dhacda furitanka shirka aan loo ogollaan inay ka qeyb gasho.

- Advertisement -

Arrintan waxay markii hore dhalisay guux hoose markii wasiiro soo daahay laga celiyay shirka golaha wasiiraha, laakiin markii dambe waxay noqotay mid dhaqan gasha. Waxaa kaloo la yaab leh in xubintii ka maqnaata golaha wasiirada la xaadiriyo, kadibna uu ku dabagalo sababtii ay u maqnaatay.

2- La xisaabtanka wasiirada

Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuu soo kordhiyay xisaabtan ku saabsan wasaarad iyo wasiir kasta, iyadoo wasaaradaha laga doonayo inay qorshe howleed soo dejiyaan, kasoo ka bilaabanaya 100-ka maalmood ee ugu horeysa.

La-xisaabtanka wasiirada ayaa noqday mid joogto ah oo wasaaarad kasta laga doonayo inay la timaado waxqabad, lagana saxiixay qoraalo dhowr ah oo anshax iyo waxqabad isugu jira.

- Advertisement -

3- Kormeer Joogto ah

Kormeer joogto ah oo lau tegayo xarumaha wasaaradaha si aan hore loo ogeysiin, taasoo keentay in wasiiro aan xafiisyadooda lagu arki jirin ay ku kalahaan shaqadooda, halka shaqaale aan weligood xafiisyada lagu arkin ay iska xaadiriyeen wasaaradaha.

Kormeeradan waxay bannaanka soo dhigeen tirada faraha badan ee shaqaalaha wasaaradaha dalka u qoran oo intooda badan aanay jirin wax ay qabtaan, loona waayay qaarkood meel ay fariistaan. Waxaa la soo weriyay in Ra’iisal wasaarihii hore intii uu xilka hayay aanu kormeerin wasaarad kaliya.

4- Hirgelin Qorshaha xukuumadda

Qorshaha xukuumadda ayaa loo qeybiyay dhammaan wasiirada, waxaana sidoo kale laga dalbaday inay fuliyaan, iyadoo la siiyay qoraallo uu ka mid yahay wasaaradda kasta howsha ay u xil saaran tahay, taasoo wasaaradaha ka dhigeysa in la ogaado waxqabadkooda.

5-  Qodob ka hor yimid

Ka sokow shaqada dardarta leh ee ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre xilkiisa ku bilaabay, waxaa jira qodob uu wax ka qaban waayay ama ay ku adkaatay inuu isbedel ku sameeyo, waana mid la xiriir musuqmaasuqa laga dhaxlay dowladii hore.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku fashilmay inuu shaqada ka joojiyo shirkadaha fara badan ee hantida dowladda maamulka ee heshiisyo qarsoodi ah ay la gashay dowladii hore, waxaana taas bedelkeed uu ogolaadaya inay shirkado cusub ay howlgalaan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON