Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO SHAN QODOB: Ahlu-suna oo shuruudihii ugu yaabka badnaa ku xirtay wadahadalka Galmudug

Kooxda Ahlu suna Waljameeca ayaa shuruudo adag ku xirtay wadahadal la filayay inuu ka dhex bilowdo maamulka Galmudug iyo maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu suna.

Shuruudaha ay la timid Alhsu suna ayaa keenay inuu furmi waayo shirkii labada dhinaca oo ay dhexdhexaadineysay dowladda Federaalka oo hadda qarka u saaran in lagu kala tago.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan wafdiga Galmudug shuruudaha Ahlu suna la timid ee hor istaagay inay furmaan wadahadalka labada waxaa ka mida:

1- Inaysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug.

2- In Maamula Goboleedka Gobollada Dhexe ay ku soo biirto kooxda maamulka Cadaado.

3- In Baarlamaanka Cadaado la baabi’iyo

4- In la dhiso Baarlamaan cusub oo ka kooban 90 xubnood.

5 In xubnaha Baarlamaanka 60 ka mida ay ka yimaadaan Ahlu suna.

Shuruudahan oo ka careysiiyay dhinaca Galmudug, isla markaana madaxda dowladda Federaalka ku sheegeen kuwo aan macquul ahayn ayaa weli waxaa socda dadaal loogu jiro inaysan fashilmin waanwaanta.

Rajada laga qabo waanwaantii dowlada Federaalka ka dhex waday labada dhinac ayaa u muuqata mid sii dhimaneysa iyadoo Galmudug ay diyaar u tahay inay dib ugu laabato si doorashadii Madaxweynaha loo guda galo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON