Thursday, June 26, 2025

Akhriso Shaxda: Beesha Daarood isku fuuqsatay xubnihii Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Muuqaalka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo shaac baxay, kadib markii saddex maamul goboleed ay doorteen xubnaha uga mid noqonaya Aqalkan oo ku cusub Soomaaliya.

Dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira oo la siiyay min 8 xubnood iyo maamulada Somaliland iyo Puntland oo min 11 xubnood loo qoondeeyay.

Beesha Daarood oo horeba u waday ololaha Aqalka Sare, ayaa hadda inay soo shaac baxday inay u badsatay, kana faa’iideysatay xaalado dhowr ah oo is biirsaday,  waxayna Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub  2016 ayaa ka heleshay xubnaha soo socda:

Maamulada  Xubnaha
Puntland11
Jubbaland5
Galmudug1
Somaliland (Weli lama qeybin2
Wadarta Guud19

 

Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Daarood ay 35% iyadu yeelan doonto xubnaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka badan tahay beel kasta oo Soomaaliyeed tiro dhan 7 ilaa 8 xubnood xubnood.

Dhismaha Aqalkan sare oo ay ka maqan yihiin guud ahaan Beesha Shanaad, iyo dadka degan Muqdisho, ayna diidan yihiin odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, wuxuu noqonayaa Aqal miisaankiisa dhinac u janjeero oo Soomaali badan u arkaan mid aan ku habooneyn Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON