Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii Guddoonka Golaha Shacabka wax uga bedelay Xeerka Maareynta Maaliyadda Guud ee ay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo oo isna saxiixay.
Cabdi Xaashi ayaa qoraal dheer oo 23 Bog ah ku faahfaahiyey guddoonka Golaha Shacabka ee Guddoomiyaha Maxamed Mursal Sheekh iyo C/weli Ibraahim Muudey ay u been abuur uga sameeyeen xeerka Maamulka Maaliyadda Guud, iyagoo wax ka bedelay nuqulkii Aqalka Sare, isla markaana ka saaray awoodii uu Aqalka Sare ku lahaa xeerkaasi.
Shaxda Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi soo bandhigay ayaa muujineysa in halkii xeerkaasi ku qorneyd labada Gole loo bedelay ‘Golaha Shacabka’, lagana saaray qeybtii uu lahaa Aqalka Sare iyo Mamul Goboleedyada dalka.
Qeylo dhaanta Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa caddeyn u ah Qorshaha Golaha shacabka kula wareegay awoodii Aqalka Sare, kadib khilaafkii ka dhashay Doorashada dalka.
