Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo musharixiinta u taagan xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Shuruudaha musharixiinta ayaa waxaa ka mida inuu xildhibaanku heysto ID Card, iyadoo qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada lagu wargeliyey musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka inay buuxiyaan habraaca diiwaangalinta musharaxnimo.
Shuruudaha Musharixiinta, waxay kala yihiin:
1- Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)
2- Arjiga caddeynta musharaxnimo.
3- Taariikh nololeedka musharaxa (CV).
4- Labo Sawir.
5- Warqadda caddeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe.
6. Balanqaadka u hogaansamridda natijada doorashada.
7. Foomka diiwangalinta Musharaxa.
8. Foomka soojeedinta musharaxnimada.
Hadaba, waxaa lagu wargalinayaa mushatakiinta guddoonka Golaha Shacabka in 19 ilaa 22 April 2022 ay soconeyso diiwaangalinta musharaxiinta guddoonka Golaha Shacabka.

