Tuesday, July 15, 2025

Akhriso: Sida loo qeybiyay kuraasta cusub ee Galmudug ka heshay Aqalka Sare

Iyadoo dhowaan la kordhiyay xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan xubnaha soo gaaray maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saddex beelood u qoondeeyay in la siiyo xubnaha laga siiyay Aqalka sare ee dheeraadka ah, kuwaasoo tiradooda gaareyso 3 xubnood.

Beelaha la siiyay xubnaha dheeraadka ah ee Aqalka sare ay ka heshay Galmudug waxay kala yihiin:

  1. Beesha Murusade [Hal Xubin]
  2. Beesha Saruur/Habargidir [Hal xubin]
  3. Beesha Shanaad/ Ma-dhibaan [Hal xubin]

Saddexda xubnood ayaa la filayaa inu degdeg u magacaabo madaxweynaha Galmudug oo dhowaan dib ugu soo laabanaya safarro ku saabsan arrimaha Doorashada  oo uu ku gaaray magaalooyinka Adis ababa iyo Nairobi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON