Waxaa soo gabagaboobay Wareegii kooowaad ee tirinta codka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo ay u muuqatao in wareeg labaad oo ay u gudbi doonaan afarta musharax ee ugu codka badan.
Wareegga koowaad waxaa ku tartamay 10 musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha, waxaana si weyn isugu dhegan oo ugu horeeyay codadka la tiriyay saddexda musharax ee kala ah:
1- Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan
2- Ibraahim Isaaq Yarow,
3- iyo C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)
Waxaa soo raaci kara Shariif Maxamed Cabdalla
Waraaga koowaad waxa ku guuleysanaya musharaxa hela aqbaliyadda codadka xildhibaannada oo ah 139 cod iyo wixii ka badan. Hadiise la waayo musharax hela aqlabiyadda codadka waxaa loo gudbaaa wareega labaad.
Wareega labaad waxaa ka qeyb galaya afarta murashax ee hela tirada Codadka ugu badan ee wareegga koowaad. Haddii ay jiraan murashaxiin helay cod is la eg oo barbar- dhac ah, way kawada qayb galayaan wareega labaad, oo tirada tartamayaasha ayaa kordheysa.