Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO WAR-MURTIYEED: Afar Qodob oo Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ku heshiiyeen

Waxaa War-murtiyeed ka kooban heshiiskii afar qodob ah laga soo saaray wadahadal ay dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea yeesheen, kadib booqasho rasmi ah oo dalkaasi uu ku tagay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxda Labadan dal ayaa ku heshiiyey Afar qodob oo muhiim ah, Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda:

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah. Laakiin, ka faa’iideysiga khayraadkaas waxa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dedaal gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA (English)

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON