Monday, July 14, 2025

AKHRISO: War-Murtiyeed ka soo baxay shirkii Wasaaradaha Dastuurka Dowladda & Maamul Goboleedyada

Kulankii ee Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo ka dhacay magaalada Muqdisho 29-30 Juun 2018 ayaa maanta lasoo gabagbeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan dib u eegista Dastuurka.

QODOBADA KA SOO BAXAY SHIRKA WAXAY KALA AHAAYEEN

Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib, madashu waxay isku raacday qodobadan soo socda:-

1) Madashu waxay uga mahadcelineysaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo martigelisay shirka shanaad ee madasha.

2) Madashu waxa ay soo dhaweeysay horumaradii laga gaaray Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee seddexdii bilood ee la soo dhaafay sida qabsoomidii Shirweynihii Qaran ee Dastuurka, tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha, iyo heshiisyadii Golaha Amniga Qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo 5tii Juun 2018ka.

3) Madashu waxa ay garwaaqsatay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee 13-16 Maajo 2018 ee ka dhacay magaalada Baydhabo kuwaasoo ku aadanaa hawlgelinta xubnaha Dowlad Goboleedyada u soo magacaabeen Gudigga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dasturka.

4) Madashu waxaay tallaabo horumar leh ku tilmaamtay hirgelinta Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka ee ka dhacaya caasimadaha Dowlad Goboleedyada.

5) Madashu waxay isku raacday daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo ay hogaaminayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

6) Madashu waxay ku heshiisay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo ololaha daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah (heer gobol, degmo iyo tuulo)fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.

7) Madashu waxey isla garatay in Hay’adaha Federaalka ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay xaliyaan tabashada Jubbaland.

8) Madashu waxay isla garatay in kulanka lixaad ee madasha la qabto Sibteembar 2018ka.

9) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga iyo Hay’adaha Soomaaliyeed ee Maxaliga ah taageeradoodaku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON