Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa Muqdisho lagu soo gababeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.
Waxaa laga soo saaray Qodobada ay ugu muhiimsan tahay ansixinta Guddiga Amniga Doorashada oo uu guddoomiye u yahay Ra’iisul wasaare Rooble, waxaama ka mida jiro Taliyaha Booliska Soomaaliuya iyo taliyeyaasha maamul goboleedyada.
Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland waxaa si wadajir u soo xulaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha, sida lagu qoray habraaca doorashada Aqalka sar ee Somaliland.
Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland waxaa dooranaya 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada.
Lacagaha ay dhiibayaan Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxaa ay ku dhici doonto qasnada guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed.
Arrinta Ergada Doorashada Golaha Shacabka oo khilaaf ka taagnaa waxaa soo xuli doona Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah.
HOOS KA AKHRISO





