Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Caawa lasoo gabagabeynayo iyadoo lagu wado war-murtiyeed laga soo saaro.
Madaxda maamul Goboleedyada ayaa maanta ku howlan dhameystirka qodobo ay ku heshiiyeen oo laga soo saarayo shirk Kismaayo, iyadoo hore la isugu afgartay dhowr qodob ayna harsanaayeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Qodobka ugu adag ee shirka horyaalla ilaa shalay ayaa ahaa qaab dhismeedka gole ay yeesehaan madaxda maamul goboleedyada, kaasoo qaab dhismeedkiisa shaki badan laga muujiyay, basle markii danbe la sheegay in awoodiisa hoos loo dhigay si aan loogu arkin mid la loolamaya hoggaanka dowladda Federaalka.
Madaxda maamul Goboleedyada ayaa isa siisay awood ay ku dhex galaan khilaafka ka dhex taagan madaxda Galmudug iyadoo taageersan madaxeynenimada Galmudug, waxay kaloo isku raaceen inay maamul Goboleedyada lagala tashado arrimaha masiiriga ah ee dowladda Federaalka qaadaneyso sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah.
Madaxweynaha Jubbaland ee gogosha dhigay ayaa laga soo xigtay in go’aanada kasoo baxa shirka Kismaayo ay kala hadli doonaan wafdi shirka Kismaayo u diri doono magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan madaxda Federaalka.
GOOBJOOGE
Maxaa ka soo baxay Shirka Kismaayo..? [AKhriso Qodobbo hordhac ah & qaar la isku hayo]