Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Warbixin ku saabsan xaaladaha ku wareegsan socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu safarkiisii lixaad ku tago dalka Itoobiya.

Safarkan ayaa ahmiyad gaara leh, wuxuuna ka mid ahaa casuumaad loo fidiyay madaxweynaha cusub  ee Soomaaliya balse uu dib u dhigtay, iyadoo ugu dambeyn uu ku soo beegmay markii uu xilka joogay in ka badan laba bilood.

Qaabka Farmaajo  u dhigay mowqifyada siyaasadeed ee dowladiisa cusub waxay ahayd mid Itoobiya shaki gelisay, iyadoo weli ku wareersan mowqifka ay ka qaadaneyso dowladda Muqdisho iyo qaabka ay u wada shaqeyn karaan. Taasi micnaheeda maaha in Farmaajo cadaawad kala dhaxeyso Itoobiya, balse wuxuu u dabran yahay mowqifyo iyo hadallo siyaasadeed oo ka tegay.

Itoobiya oo ka mida dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dalalk safka hore ee ugu saameynta badan arrimaha siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika waxay dareemeysaa in isbedelka ka dhacay Villa Somalia uu halis ku yahay doorkeedii hogaamineed ee Gobolka iyo saameynteedii Soomaaliya.

Itoobiya ayaa bilowday inay ka baxdo gobollada qaarkood, sida Ceelbuur, iyadoo qorsheyneysa inay ciidamo kale kala baxdo gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Bakool, waxayna sabab uga dhigtay ina ciidamadaasi aysan ka mid ahayn kuwa AMISOM.

Warar aan la xaqiijin ayaa hore u sheegay inay burburay waanwaan laga dhex waday Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo oo Baydhaba ka dhacday, arrintaas oo haddii ay xaqiiqo tahay sii cakireysa is-fahamka Itoobiya iyo madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo socdaalka Farmaajo saameyn weyn ku leh shirka London ee maalmo kadib dhacaya, iyadoo dalalka saameynta ku leh Soomaaliya mid waliba doonayo inuu door ku yeesho qorshaha socda.

Waxaa la oran karaa waa socdaalkii ugu adkaa ee Madaxweyne Farmaajo uu galo oo u baahan miisaan siyaasadeed iyo xikmad isu dheelitirka dalalka danaha ka leh Soomaaliya, waxaana la arki doonaa natiijada socdaalka aan sahlaneyn ee Addis ababa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON