Guddiga Doorashada ee guddoonka Baaralmaanka u sameeyay wax ka bedelka iyo soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ayaa Baaralmaanka u gudbiyey Sharciga ay soo diyaariyeen, iyadoo maanta loo qeybiyey xildhibaannada Baarlamaanka ee labada Aqal.
Sharciga cusub ayaa gebi ahaan ka duwan sharcigii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya soo ansixiyeen, oo la sheegay inuu markii hore ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo qaabka doorashada wax badan laga bedelay.
Sharciga maanta loo gudbiyey labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ku saleysan nidaamka Doorashada ku dhisan Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna saleysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”); waxayna meesha ka saareen Hannaanka Doorashada ee ku dhisan Nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran oo Madaxtooyada iyo xukuumaddu wateen.
HOOS KA AKHRISO SHARCIGA DOORASHADA EE HOR YAALLA BAARLAMAANKA