Tuesday, June 24, 2025

Akhriso: Wasiirada loo heysto dhibaatada ka taagan Xajka ee hortegaya Aqalka sare

Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, isagoo ka dhiidhihiyay dhibaatada ka taagan kharashka dadka Soomaaliyeed ku xajiyaan.

Wasiirrada Xukumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee laga sugayo inay hortagaan Aqalka Sare waxa ka mida:

1- Wasiirka Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta

2- Wasiirka Ganacsiga

3- Wasiirrka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

4- iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda

Wasiiradan ayaa loogu yeeray si wax looga weydiiyo Lacagaha far abadan iyo adeegga liita ee xujeyda Soomaaliyeed dhibaatada ku qabaan marka ay doonayaan inay gutaan waajibaadka Xajka.

Xildhibaano dhowr ah oo uu ka mid yahay C/risaaq Cismaan Jurille ayaa si kulul uga hadlayd dhibaatada ka taagan xajka Soomaalida, waxaana tallaabadan ay noqneysaa markii ugu horeysay ee Aqalka Sare soo farageliyo dhibaato heysta dadka Soomaaliyeed.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON