Wasiirkii hore ee Amniga Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si kulul u beeniyey war ay baahisay NISA oo lagu sheegay in la joojiyey Qandaraasyo Malaayiin Doolar ku baxeyso oo uu isgu saxiixay, laguna hayo baaritaan.
Wasiirka hore ayaa sheegay in arrintan loogu talogalay in sumcadiisa lagu dilo oo lagu cabsi geliyo, basle aan waxba laga qaadi karin, wuxuuna caddeeyay inuu faahfaahin bixin doono, isagoo shir jaraa’id qaban doono maanta.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa is weydiiyey sababta 19 bilood kadib arrintan u soo baxday xilligan, wuxuuna intaas ku daray in heshiiska uu ogyahay uu yahay oo kaliya Raashinka ciidamka NISA oo shirkad Somali ah la siiyey cidda bixisayna ay ahayd Wasaaradda Maaliyadda oo hab sharci ah u martay, isaguna uu saxiix kaliya ku lahaa.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay hay’adda Hanti dhowrka u adeegsaneyso cabsi gelinta siyaasiyiinta wax ka sheega, ujeedkuna yahay inaan laga hadlin musuqa ay dhex fadhiyaan, isagoo balan qaaday inuu dacwad furan doonto.
WARKA NISA HOOS KA AKHRISO
Hay’adda NISA joojisay Qandaraasyo uu saxiixay Wasiirkii Hore ee Amniga & Dacwad lagu soo oogayo