Monday, July 7, 2025

AKHRISO: Xildhibaanada Aqalka hoose ee maanta lagu doortay Garowe & Beelaha ay ka soo jeedaan

Maanta 5-fa November 2016, waxaa magaalada Garowe ka bilowday doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhaceysa xarumo kala duwan, isla markaana weli socota waxaa ilaa iyo haatan la doortay 6 xildhibaan oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya.

garowe-doorashoXildhibaanada la Doortay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan waxay kala yihiin sida soo socota:

Beesha Ciise Maxamuud: 1– Waxaa ku guulaystay kursigeedii Cali Yuusuf Cali Xoosh, isagoo cod dhan 49 cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo helay 1 codoo qura.

Beesha Ogaaslabe: 2- Waxaa kursigeedii ku guuleystay Siciid Daahir oo 44 cod kaga guuleystay Faduumo Ismaaciil Bootaan oo iyaduna heshay 7 cod.

Beesha Dishiishle: 3- Waxaa ku guuleystay Cumar Ismaaciil Waberi oo helay 28cod, iyadoo uu la tartamayey Maxamed Cabdi Cismaan oo isna helay 22 cod.

Beesha Madhibaan: 4- Waxaa helay Cilmi Cumar Caynsane oo helay 27 cod kuna qaaday cod hal-dheeri ah, Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa helay 24 cod, halka Zakariye Khaliif aanu wax cod ah helin.

Beesha Bahmajeerteen/Warsangeli: 5- Waxaa ku guuleystay Axmed Ismaaciil Maxamed oo helay 38 cod, waxaana la tartamay Iimaan Maxamed Cashuur oo helay 12 cod.

Beesha Cali Saleebaan: 6- Waxaa ku guulaystay Maxamuud Xayir oo helay 37 cod waxaana la tartamay C/samad Maxamed Abwaan oo helay 12 cod iyo Cabdixafid Cali Yuusuf helay 2 cod.

Beesha Suwaaqroon: 7- awaxaa ku guuleystay  Cabdinaasir Siciid Muuse oo helay 26 cod, kursigan oo shan musharax ay ku tartameen waxay musharaxiinta kale codadka u kala heleen sidan:

Maxamed Siciid Saalax. 17 cod
Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax Bankax: 3 cod
Maxamuud Xaaji Saalax: 2 cod.
Cabdullaahi Maxamuud Ciise: 1cod

Beesha Dubeys: 8- waxaa ku guulaystay Daahir Xaaji Geele oo helay 46 cod, halka musharixii la tartamay ee Maxamed Maxamuud Abees uu helay 3 cod.

Beesha Yibraha: 9- waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi oo helay 27 cod, waxaa la tartamay Cabdinaasir Maxamed Cali oo helay 21 cod iyo  Shamsudiin Goobdoon Yuusuf Makaawi oo isna helay 2 cod.

Beesha Dubeys: 10-2 waxaa ku guulaystay Cali Faarax Dhahar oo helay 42 cod , halka Maxamuud Cabdulaahi Cali Yuusuf helay 6 cod. Ha cod ayaa xumaaday, ergada doorasgada waxaa xaadir ahaa 49.

LA SOCO XUBNAHA KALE….

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON