Al-shabaab ayaa toogasho ku fulisay shan qof oo lagu eedeeyay basaasnimo, iyadoo dilkaasi ka dhacay degaanka Iidaale ee Gobolka Baay.
Warbaahinta AlShabaab ayaa sheegtay in shanta qof ee la toogtay ay la shaqeyn jireen sirdoonka dalalka Mareykanka, Dowaladda Federaalka, Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyadoo dilka lagu fuliyay ay ku riday maxkadda Alshabaab.
Magacyada shanta Qof ee Shabaabku toogteen ayaa kala ah:
1- Mahad Cali Xasan oo lagu eedeeyay inuu la shageynayay Ciidanka Xoogga Dalka ee Danab iyo Mareykanka.
2- Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya,
3- Mahad Cabdi Axmed oo lagu eedeeyeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Jubbaland
4- Maxamed Cali Aadan oo la shegay inuu shaqeynayay dowladda federaalka Soomaaliya
5- iyo C/casiis Ibraahim Maxamed oo lagu eedeeyeen la shaqeynta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.