Monday, July 7, 2025

Alshabaab oo baahisay magaca iyo Beesha is-miidaamiyihii isku Qarxiyey Xarunta degmada H/wadaag

Kooxda Alshabaab ayaa baahisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo is-miidaamiyihii fuliyey weerarkii qaraxa ee lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqidsho 2-dii bishan September 2018.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq ama Layaali, wuxuuna kasoo jeedaa dhashay Beesha Leysaan ee degta Gobollada Koonfureed, isagoo ahaa wiil dhalinyaro oo 22 sano jir ah, kuna dhashay degamad Saakow ee J/Dhexe.

Wareysi ay la yeelatay warbaahinta Alsahbaab ayaa lagu sheegay inuu ka tirsanaa Jabhada WI Mudug ka hor inta uusan ku soo biirin guutada Istish-haadiyiinta Alshabaab ee ku jira liiska is-qarxinta.

Is-miidaamiyahaan ayaa waday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo Maalintii Axadii lagu weerarray xarunta maamulka ee degmada Howlwadaag, isagoo halkaas ku dilay 7 qof oo kala bar ay caruur ahayd, isla markaana waxaa qaraxa ku burburay xarunta degmada ka sokow masjid iyo dugsi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON