Alshabaab aya haabisay dardaaran laga duubay is-miidaamiyihii labaad ee isku qarxiyey magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiran, kaasoo lagu dilay dad fara badan 23-kii Bishan Maarso 2022.
Is-miidaamiye Maxamed-Nuur Aadan Cali (Khaalid yare) ayaa fuliyey Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo lala beegsaday dhaawacyada qarax uu xerda lama-galaay ka fuliyey is-miidaamiye kale, kaasoo waxyeelo iyo burbur u geystay Isbitaalka Beledweyne.
Khaalid Yare ayaa da’diisa ku sheegay 23 sano jir, wuxuuna kasoo jeedaa Beesha Dabarre, gaar agaan jufada Gaashmooge, wuxuuna sheegay inuu ku ghashay degaanka Kurtun ee hoostaga degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Ninkan dhalinyararada ah ayaa ka mid ahaa maleeshiyada Alshabaab ee Jeyshka loo yaqaan intii aanu ku biirin kooxda is-miidaamiyeyaasha ee qaraxyada waaweyn fuliya.
