Alshabaab ayaa ayaa baahisay dardaran laga duubay mid ka mid ah dableydii fuliyay fulisay weerarkii dhexgalka (Inqimaasi) ahaa ee Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo dhacay 23-ki Maarso 2022.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Macallin Axmed (Cabdirisaaq-Juleybiib), wuxuuna sheegay inuu kasoo jeeda beesha Eelaay, Jufada Geedfade, isagoo hore uga mid ahaa ciidamada Jeysha Alshabaab intii aanu ka mid noqon guutada is-miidaamiyeyaasha.
24 -sano jirkan ku dhashay Degaanka Buurhakaba wuxuu ahaa Macalin Qur’aan, wuxuuna bixiyey wareysi lala yeeshay xilli uu gudaha Afisyoone ka dagaalmayey, isagoo sheegaya inay dileen laba caddaan ah iyo laba ciidamada AMISOM ka mida.
Waa is-miidaamiyihii saddexaad ee Alshabaab ay maalmo gudahood shaaciso, kadib laba weerar oo maalin gudaheed ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.
Halkan ka dhageyso isgoo ka hadlaya gudaha Afisyoone
