Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo baahisay Magacyada xildhibaano iyo saraakiil lagu dilay Qarixii Hotel Weheliye [Akhriso]

Warbaahinta kooxda Alshabaab ayaa baahisay warar ka duwan kuwii laga qoray qarixii maanta lala beegsaday Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta xarakada ayaa sheegeysa in saraakiil ciidan iyo xildhibaano horay uga tirsanaa Baarlamaanka Dowladda Federaalka -ka Soomaliya ee lagu dilay qaraxii maanta.

Saraakiisha la sheegay inay ku dhinteen qaraxa waxaa ka mida:

1-Jeneraal ka tirsan hay’adda Sirdoonka ee NISA oo lagu magacaabo Maxamed C/Raxmaan.
2-Korneel lagu magacaabo Nuur Saafi oo isna ka midaa saraakiisha Dowladda Soomaliya.
3-Nin lagu magacaabo Korneel Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa ciidamada military-ga.
4- Nin magaciisa lagu soo koobay Nuur Kuulow oo ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka oo dhaawac  halis ah lagu sheegay.
5- Ex-Xildhibaan Xasan Cumar oo lagu dilay qaraxa.
Ex-Xildhibaan Maxamed Nuur oo isna lagu dilay Qaraxa.
Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Leesto oo Alshabaab ku eeedeysay inuu ka tirsan yahay Sirdoonka Dowladda oo dhaawac halis ah ku noqday qaraxa.

Ma jirto cid xaqiijisay warkan aya baahisay Alshabaab, marka laga reebo C/llaahi Leesta oo isagu ku dhaawacmay qaraxa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON