Monday, January 30, 2023

Alshabaab oo Boqolaal Neef oo Xoolo ah ku laayey Degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Alshabaab aya degaanka Ceel-xeero ee u dhow Maxaaas ku gowraceen boqolaal neef oo Ari ah.

Degaanka Ceel Xeero oo ilaa 20 KM dhinaca Bari ka xigta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay falkaan aan hore loo arag, markii Maleesjiyada Alshabaab ku gowraceen in ka badan 300 neef oo Ari ah oo ay lahaayeen Dadka degaanka ee xoola dhaqata ah.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa xaqiijiyey arrintan, waxaana uu ku tilmaamay falkii ugu xumaa ee Alshabaab kula kacaan Duunyada dadka degaanka.

Ad

Arrintan ayaa timid kadib markii Alshabaab AS ayuu ku eedeeyay in falkaan ay ku ddegaankaasi tageen, balse dadkii degaanka ay ka baxsadeen, waxayna ka aar guteen Xoolihii oo ay laayeen.

Dadka degaanka ee xoolihoodii ku waayey falka Alshabaab ku kacday ayaa la sheegay inay hadda noqdeen barakacayaal xoolahii ay ku noolaayeen waayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!