Friday, April 26, 2024

Wasiirada Maaliyada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo gaaray heshiis ay Puntland qaadacday

Wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta gaaray heshiis dhaqaale wadaag ah oo ay ka maqan tahay Puntland.

Shirkan oo muddo saddex maalmood ah socday ayaa looga hadlay arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha iyo qeybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamku ay  Soomaaliya ku taageeraan.

Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka maaliyadda dalka iyo arrimaha kale oo muhiim u ah dib u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka. Shirka ayaa waxa aan ka soo qeybgalin wasiirka maaliyadda Puntland ooka cudurdaartay kulanka wasiirrada maaliyadda.

Ad

Heshiiska Dhaqaale qeybsiga ee ka saxiixay ayaa u qornaa sidatan:

Qodobka laad: Heshiiska wadaagga laba-geesoodka ah ee ku aadan qaybsiga Kabka Miisaniyadeed, (Vertical Grants Allocation)

– Wasiirrade waxay isla garteen, islana qaateen cusboonaysiinta wadaagga lacagaha yabooha, (Grants) qaab ku saalaysan 60/40 kaas oo ku qotoma heshiiski September 14-keeda, 2019 oo qeexaayay wadaagga laba-geesoodka ah ee DFS iyo DXDP’S iyo Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Faahfaahinta heshiiska qodobka koowaad:

1- DFS waxaa loo qoondeeyay 60%

2- DXDFS iyo Gobolka Banaadir waxaa loo qoondeeyay 40%

3- Cadadka lacageed ee la wadaagayo waa lacagta saafiga ah (Net amount) ka dib marka laga jaro wixii kale ee waajibaad ah ee la isku raaco.

- Advertisement -

4- Qoondada DXDFS 50% waxaa lagu bixinayaa horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul-wanaagga.

5- Deeqaha lacageed ee loo qoondeeyay meelo cayiman, (Earmarked Grants) kama mid ah qoondo qaybsi ee waxaan lagu kharash-garaynayaa oo kaliya goobaha loo cayimay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka wasiirrada maaliyadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo oo miradhal ah, arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha Dekedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka hadallo ka jeediyey wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ayiday qodobada ka soo baxay shirka.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda FS, dowlad Goboleedyada iyo  maamulka gobolka Banaadir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON