Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay dhex maray ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada Alshabaab, kadib markii ay Alshabaab weerar ku qaadeen degaanka Xaaji Cali ee hoos taga degmada Caddale.
Dagaalka oo bilowday xalay xilli danbe xalay ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, waxaana la sheegay inuu dhaliyey qasaare, iyadoo Alshabaab ay sheegteen inay qabsadeen saldhigii ciidamada dowladda ee degaanka Xaaji Cali, isla markana ay qabsadeen hub fara badan, ayna ciidamadii u sugnaa oo ay cagta mariyeen.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday muddo ku dhow saacad oo hubka waaweyn iyo Boobayaasha culus la isu adeegsaday, waxaana weli qasan xaaladda iyadoo lagas oo xigtay Saraakiisha ciidamada Milateriga inay iska caabiyaan weerarka ay Al-Shabaab ku soo qaadeen.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..