Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo degmada Baardheere ku dishay saddex Guddoomiye waaxeed & midkood oo la Gowracay.

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay xalay weerar ku qaadeen guddoomiye waaxeedyo ka tirsan degmada Baardheere, iyadoo dil iyo gowrac kula kacay.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa xalay guryahooda ku weeraray guddoomiye waxeedyadaasi, waxayna dileen saddex ka mida oo magacyadooda kala yihiin: Cabdi Santuur Raage, Carab Ibrahin Cabdi, Jibriil Maxamed Nuur, waxaana la sheegay in mid ka mida guddoomiye waaxeedyada la gowracay, iyadoo mid afraad uu baxsaday intii aan gurigiisa la tegin.

Weerarka Alshabaab xalay ku beegsatay guddoomiye xaafadeedyada degmada Baardheere ayaa xaalad cabsi ah ka abuuray magaalada, iyadoo saaka la soo weriyey inay xiisad ka taagan tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON