Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo Dib u bilowday weerarradii Gudaha Muqdisho iyo Hay’adaha Amniga oo…

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dib u bilowday weerarradii dhuumaaleysiga ahaa ee ay ka fulin jirtay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan baraha koontarool ee ciidamada dowladda.

Habeenkii labaad ayey Alshabaab weerar ka geysteen degmada Heliwaa, gaar ahaan barta ciidamada dowladda ee Cali Agoon, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhex maray labada dhinac.

Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay haweeney shacab ah, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen labada dhinac. iyadoo dadka degaan ay ku warremeen in qaraxo iyo rasaas xoog leh ay ka dhacday barta Koontarool.

Ad

Habeen hore ayay ahayd markii Alshabaab ay weerarro kala duwan ku qaaday xarunta wasaaradda Gaashaandhigga iyo xaafadaha Shiirkole iyo Suuqa Xoolaha.

Alshabaab ayaa guud ahaan kordhisay weerarrada, dilalka qorsheysan iyo howlgallada ay ka wado caasimadda iyo Gobollada dalka xilli dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah.

Hay’adaha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa gebi ahaan ka aamusay ka hadalka dhacdooyinka amni darro ee caasimadda, waxaana la sheegay inuu yahay go’aan ka yimid madaxda sare, kadib weerarkii Hotel Hayat.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON