Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo Digniin culus kasoo saaray mashruuca shaqaaleynta 1000-ka dhalinyaro ee G/Banaadir

Kooxda Alshabaab ayaa digniin kasoo saartay mashruuca shaqo abuurista Gobolka Banaadir ee lagu shaqaaleynayo 1000 qof oo ka mida dhalinyarada ku nool caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka howlgallada Alshabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in mashruuca uu yahay mid lagu ciidameynayo dhalinyarrada Muqdisho ujeedkuna yahay in si dadban looga qeyb geliyo dagaalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah muslimiinta, sida uu yiri.

“Waxay doonayaan in 55 askari ay ka shaqaaleysiiyaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, oo midkiiba ay lacago dollar ah siinayaan, si Jawaasiis iyo askar ay uga dhigaan, kadib marka ay siminaaro siiyaan..” ayuu yiri Abuu Muscab oo ku dooday in falkaasi Gaalnimo yahay.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegtay in cid walba oo ka qeyb qaadata waxa loogu yeero shaqo abuurista ay beegsan doonaan, isagoo waalidiinta magaalada muqdisho ugu baaqday ka cliyaan mashruuca shaqa abuurka oo uu ku tilmaamay askareynta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON