Tuesday, July 8, 2025

Alshabaab oo Diyaarisay, soona bandhigtay Manhajkeeda cusub ee Dugsiyada Dhexe (Sawirro)

Alshabaab ayaa soo bandhigtay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Dhexe oo dhammeystiran, 4 sano kadib markii ay dhaqan gelisay Manhajka Dugsiyada Hoose oo hadda lagu dhigo degaanada ay ka taliso.

Xaflad oo ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe maalina hor, balse sawirradeeda maanta la shaaciyey ayaa lagu soo bandhigay Manhajka Alshabaab ee Dugsiga Dhexe, kaasoo uu diyaariyay xafiiska u qaabislan Tacliinta oo sheegay inuu diyaarin doono Manhajka Dugsiyada Sare.

Waxaa xafladda ka qeyb galay culimada Alshabaab iyo taageerayaashooda, waxaana buugaanta lasoo bandhigay ka mid ahaa: Tafsiirka, Xadiithka, Fiqhiga, Towxiidka, Carabiga qeybihiisa, Taariikhda, Joqraafiga, Sayniska, Xisaabta iyo luqadda Soomaaliga.

Alshabaab ayaa ka talisa degaano badan oo Koonfurta Soomaaliya, waxayna muddo dheer oo ay ku xididdeysatay ay keentay inay isu bedelaan maamul buuxiyey baahiyihii dowlad laga rabay. Sanakii 2017 ayey Alshabaab dhaqan gelisay Manhajka Dugsiyada Hoose.

Manhajka Alshabab

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON