Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdirisaq Maxamud iyo Raychelle Omamo, ayaa maanta wadahadal ku yeeshay khadka telefoonka.
Sida lagu sheegay qoraallo laga so saaray labada Wasaarad arrimo dibadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu wadahadalku ahaa ahaa mid diiran oo isfaham leh.
Labada wasiir waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si degdeg ah dib loogu furo labada Safaaradood ee Nairobi iyo Muqdisho, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wasiirrada Arrimaha dibadda Kenya iyo Somalia waxay muujiyeen rajo weyn oo ay ka qabaan in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu dambeyntii waxay ku heshiiyeen in la sii wado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo wada xirika u dhaxeeya labada Caasimadood ee dhinacyada xiriirka diblomaasiyadda.

