Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo la wareegay Degaan ay Saldhig ku lahaayeen Ciidamada Puntland ee Gobolka Bari…

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyadda Al-shabaab ay saaka la wareegeen degaanka Af-urur ee gobolka Bari, halkaasoo ay saldhig weyn ku lahaayeen ciidamada Puntland.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay ciidamadii Daraawiishta Puntland isaga baxeen halkaasi, waxaana la sheegay in Alshabaab ay si fudud u qabsadeen degaankaasi muhiimka ah, iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin.

Lama oga sababta ay ciidamada Puntland uga baxeen Degaankaasi oo hore ay dagaallo ugu dhex mareen labada dhinac, laguna dilay ciidamo iyo saraakiil badan oo ka tirsan daraawiishta Puntland.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan ciidamada ka baxay degaanka Af-urur, waxaase hore u dhacay in ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ay banneeyan aagag dagaal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON