Maleeshiyada Alshabaab ayaa la wareegtay degaanka Maryan-Gubaay ee Gobolka Sh/Hoose ee hoostaga degmada Baraawe.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ay Ciidamada AMISOM ka baxeen saldhig ay halkaasi ku lahaayeen, waxayna ku dhowaad 60KM u jirtaa magaalada Baraawe oo ka mida magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Dadban ee Federaalka.
Ciidamada Milateriga dowladda oo la filayey inay AMISOM kala wareegeen degaankaasi ayaa ka baaqsaday arrimo aan la shaacin dartood, waxaana degaankaasi uu ku biiray saldhigyo dhowr ah oo ay ka baxeen AMISOM Gobolka Sh/Hoose, kadibna ay la wareegeen Alshabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa xaqiijiyey inay ciidamada dawladda Soomaaliya aysan tegin degaanka Maryan-Gubaay si ay beddelaan kuwa AMISOM.
Alshabaab ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegtay degaankaasi, ayna dadka degaanka soo dhoweyn kala kulantay markii ay dagaalyahaneeda galeen halkaasi.
