Friday, July 4, 2025

Alshabaab oo maamul hoostaga u magacawday Degaan caan ah oo ay ka qabsatay Galmudug (Akhriso)

Alshabaab ayaa maamul hoostaga u sameeyay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kadib markii ay dagaal kula wareegtay Bishii April 2021.

Xaflad lagu qabtay Bacaadweyne ayaa lagu hoos geeyay Gobolka Mudug ee Alshabaab ka taliso, iyadoo uu heshiis dhex maray Odayaasha Beesha Qubeys ee degaanka u adan iyo madaxda Alsahbaab ee Mudug.

Waxaa shalay degaanka Bacaadweyne looga dhawaaqay maamulka cusub ee Alshabaab hoostaga, waxaana ka qeyb galay oo degaankaasi tegay Guddoomiyaha Wilaayada Alshabaab ee Mudug Sheekh Xasan Abuu Xamza.

Dadka Bacaadweyne ayaa loo geeyay guddoomiye degmo, madaxa Zekada, Dacwada, Xisbida iyo Garsoorka, waxaana degaankaasi si buuxda u hoos tegay maamulka Alshabaab.

Alshabaab ayaa la wareegtay Bacaadweyn, Gobolka Mudu 15-kii April 2021, markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, kadib dagaalo ka socday muddo bilo ah, waana degaan ay ka talin jirtay Galmudug oo laga furtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON