Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo muddo la wareegay Bar Koontarool oo ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka Balcad

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar gaadmo ahaa oo maleeshiyada kooxda Alshabaab ku qaadeen Bar koontarool oo ciidamada dowladda ku leeyijiin degaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayay u suuragashay Alshabaab inay la wareegeen bartaasi koontarool iyagoo guba cooshado iyo goobo ay adeegsan jireen ciidamada halkaasi barta ku lahaa oo lacag canshuur ah ka qaadi jiray gaadiidka isaga goosha Balcad iyo Jowhar.

Dadka degaanka ayaa sheegay in hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarkaasi, waxayna Alshabaab isaga baxeen saarka aroornimadii, iyadoo markaas kadib ay goobta gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya.

Degaanka Ceelka Geelow ayaa u dhaxeeya Qalimow iyo Gololey  ayaa ah saldhig ciidan iyo bar koontarool waxayna weerar hore oo Alshabaab isla saldhigan ku qaadeen ay ku dileen saddex askari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON