Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda al-Shabaab ay degaanka Buq-Aqable ee gobolkaasi ku toogatay nin ay ku eedeyeen inuu basaas u ahaa ciidamada Amisom, qeybta saldhiga ku leh degmada Jalalaqsi.
Ninkaasi oo al-Shabab magaciisa ku sheegeen Cali Axmed Caddow ayaa da’diisa aheyd 51 sano jir ah, waxayna Al-Shabab geeyeen fagaare kadibna ay toogteen, iyadoo dad badan ay daawanayeen.
Ilo madax bannaan ayaa sheegay in al-Shabab ninka ay maanta toogteen ay hore ugu amreen in uu ka guuro degaanka Durgoys oo ku yaalla duleedka Jalalaqsi una dhow saldhiga ciidamada Amisom qeybta Jabuuti, balse uu ka madax adeegay, toddobaadkii la soo dhaafay ayaana la sheegay inay xilli habeen ah gurigiisa kala baxeen.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda ayaa dhalleeceeya qaabka ay al-Shabab dadka u maxkamadeeyaan una ciqaabaan, oo aan ahayn kuwo dadka u furan si madax bannaanna aan loo xaqiijin.